Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wada-hadal · Kalsooni · Midnimo
Wararka iyo ogeysiisyada

Balanballe: Heshiis Taariikhi ah oo Laga Gaaray Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Beelaha Guriceel iyo Balanballe

Balanballe, Gobolka Galgaduud – Waxaan degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud uga qaybgalay shirka lagu soo gabagabeynayay heshiiska nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee wada dega degmooyinka Guriceel iyo Balanballe, kaas oo tallaabo muhiim ah u ah xoojinta nabadda, walaaltinimada iyo wada noolaanshaha bulshada.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad , iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah. Heshiiskan taariikhiga ah waxaa kala saxiixday Ugaaska Guud ee Beelaha Sade, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax, iyo Ugaaska Beelaha Cayr, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur. Labada Ugaas ayaa door muhiim ah ka qaatay geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo walaaltinimada, is-aaminaadda iyo nabad ku wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah. Waxaan bogaadiyay dadaallada muuqda ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, gaar ahaan doorka ay qaateen laamaha amniga ee heer Federaal iyo heer Galmudug, iyo dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo dhinacyadii kale ee ka shaqeeyay hirgelinta heshiiskan. Waxaan sidoo kale ballanqaaday inaan ka shaqayn doono adkaynta heshiiska, ilaalinta nabadda la gaaray iyo dardargelinta dadaallada dib-u-heshiisiinta guud ahaan deegaannada Galmudug. Waxaa muhiim ah in heshiiska maanta la gaaray uu noqdo mid ficil ahaan loo dhaqan geliyo, lagana dhabeeyo qodobadiisa si loo helo nabad waarta iyo bulsho ku wada nool kalsooni iyo is-ixtiraam. Nabaddu waa saldhigga horumarka, midnimada iyo dowlad-dhiska. Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah uga shaqayno Galmudug ku dhisan nabad, midnimo, walaaltinimo iyo horumar waara. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada, waxgaradka iyo dhinacyada ay khusayso inay ilaaliyaan heshiiskan, kana shaqeeyaan sidii nabadda loo gaarsiisiin lahaa dhammaan deegaannada Galmudug. Nabad waarta, walaaltinimo iyo wadajir ayaa ah jidka keliya ee lagu xaqiijin karo mustaqbal wanaagsan.