Waaxyaha Wasaaradda
1. Waaxda Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadaynta
Dhexdhexaadinta khilaafaadka, abaabulka shirarka nabadda iyo hirgelinta heshiisyada dib-u-heshiisiinta.
2. Waaxda Ka-hortagga Colaadaha iyo Xallinta Khilaafaadka
Daraasaynta sababaha colaadaha, digniinta hore iyo dejinta qorshayaasha ka-hortagga khilaafaadka.
3. Waaxda Wadajirka Bulshada iyo Isdhexgalka
Dhisidda kalsoonida, dhiirrigelinta wada noolaanshaha iyo ka-qaybgalka bulshada ee nabadaynta.
4. Waaxda Xiriirka Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah
Isku xirka wasaaradda, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada.
5. Waaxda Dabagalka iyo Qiimeynta Heshiisyada Nabadda
La socodka fulinta heshiisyada, qiimeynta natiijooyinka iyo diyaarinta warbixinnada horumarka.
6. Waaxda Wacyigelinta iyo Waxbarashada Nabadda
Tababarrada nabadaynta, wacyigelinta dadweynaha iyo faafinta dhaqanka wadahadalka.
7. Waaxda Qorsheynta, Siyaasadda iyo Cilmi-baarista
Diyaarinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed, daraasadaha nabadda iyo talooyinka siyaasadeed.
